Israa’iil oo duqeysay dekadda Hodeidah ee Yemen

0
437

Weerarro dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay xarun shidaalka lagu kaydiyo iyo warshad koronto oo ku yaalla dekadda magaalo xeebeedda Hodeidah ee Yemen ayaa lagu dilay ugu yaraan 3 qof.
Sida laga soo xigtay saraakiil maxalli ah , waxaa halkaasi ku dhaawacmay 87 ruux oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale duqeymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan ay sababeen dhaawacyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Israa’iil loogu baaqay in ay soo afjarto haysashada dhulka Falastiin ka dib go’aankii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ oo taasi ku tilmaantay sharci darro.