Waxaa weli isa soo taraya dareenka ay kenyaanka ka muujinayaan tallaabadii uu madaxweynaha dalka Jimcihii ku magacaabay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa madaxweyne William Ruto ku dhaliilay inuu soo celiyay 6 ka mid ah xubnihii hore ee golihii wasiirrada ee uu jebiyay.
Dhanka kale , xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Kimani Kuria ayaa ballan qaaday in ay si wayn u turxaan bixin doonaan wasiirrada.