DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo ku baaqay in wasiir laga dhigo shakhsi ka soo jeedo dowlad deegaankaasi

0
239

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu qaybta 2-aad ee golihiisa wasiirrada ku soo daro qof dhalasho ahaan ka soo jeedo dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu xusay in la helaya aqoonyahaano reer Mombasa ah oo u qalmo in ay qabtaan xilalka wasiirrada.

Waxaa guddoomiyaha arrinkan ku taageeray qaar ka mid ah madaxda diimeed ee Mombasa oo soo jeediyay in barasaabkii hore ee dowlad deegaankaasi Cali Xasan Joho loo magacaabo xil wasiir.