Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kitui ayaa xiray shan eedeysanayaal oo mid ka mid ah uu yahay sarkaal booliis ah.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in ay iska dhigayeen howlwadeennada guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) .
Tuhmanayaasha oo isugu jiro afar rag ah iyo haweeney ayaa la qabtay xilli ay isku dayayeen in ay lacag baad ah ka qaataan agaasimaha dowlad deegaanka Kitui u qaabilsan uruurinta dakhliga canshuuraha.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaaba Anne Mutheu oo ah sarkaal booliis oo 46 sano jir ah oo ka howlgasho saldhigga booliiska ee Muthangari ,Sheddy Kakai (37), Permelus Kasama (48), Joseph Musembi (34) iyo David Bembe (33 sano jir ah).
Taliyaha saldhigga dhexe ee booliiska ee Kitui Peter Karanja ayaa sheegay in ka dib marki shanta qof la xiray oo baaritaano dheeraad ah lagu sameeyay la ogaaday in ay adeegsanayeen kaararka guddiga EACC.