DHAGEYSO:Xildhibaan Maalik Cabdalla “Xukuumadda hadda jirta waxay ku guuleysatay in Soomaaliya ay ku celiso 1991-dii

0
348

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay maamulka talada wadankaaasi haya.
Waxaa uu dalbaday in dalka laga badbaadiyo madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhan ay ka qarxeen dagaallo sokeeyo oo sabab ay u yihiin hubka iyo daroogada loo soo tahriibiyo Soomaaliya, isagoo tallaabadaasi ku eedeeyey maamulka talada haya.
Waxaa uu qiray oo duulaan lagu qaaday Al-Shabaab oo dhul badan laga xorreeyay.
Hasa ahaatee, wuxuu quus ka muujiyay colaadda sokeeye ee dalka Soomaaliya dib uga qaraxday, taas oo waayihii dambe u muuqatay mid laga sii gudbayo oo wadankaasi ka soo kabsanayo.