Gaadiidleyda oo soo saaray wargelin ku aaddan shaqo joojin

0
491

Ururka ay ku mideysan yihiin gaadiidleyda dalka ee (MAK) ayaa sheegay in 7 cishe ka dib ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Waxay ka soo horjeesteen qorshaha ay dowladda dhexe ku kordhisay canshuurta loogu tala galay dayactirka waddooyinka.
Guddoomiyaha ururka gaadiidleyda dalka, Peter Murima ayaa sheegay in canshuurta la kordhiyay ay saameyn ku yeelanayso nolol maalmeedkooda.
Waxaa uu maamulka EPRA ku eedeyay in canshuurtan lagu daray 7 shilin iyadoo aan dadweynaha lagala tashan.
Qiimaha lacageed ee canshuurtan ayaa horay halkii liitar ee shidaal ah waxaa saarnayd 18 shilin balse waxaa laga dhigay 25 shilin.
Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA ayaa shaaciyay isbeddelkan cusub.