Labo qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah oo lagu dilay Moyale

0
488

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan labo qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah la dilay ka dib iska hor imaad ka dhacay goob macdanta dahabka laga qado oo ku taalla deegaanka hoose ee Hilo ee magaalada Moyale, ee ismaamulka Marsabit.
Kooxda weerarka gaysatay ayaa la baxsatay qoriga nooca G3 Rifle iyo 20 xabbo rasaas ah oo uu lahaa sarkaalka la dilay.
Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay George Mukoma, kana mid ahaa askartii goobtaasi macdanta dahabka ilaalinaysay.
Booliiska ayaa sheegay in 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil booliis ah ay dhaawacyo soo gaareen.
Sidoo kale, booliiska ayaa laga soo xigtay in abbaare 1-dii habeenimo ee jimcaha ay koox aad u tiro badan oo gaaraya ilaa 3,000 ay si xoog ah ku galeen goobta dahabka laga qodo ee Hilo, waxayna billaabeen in ay dhagxaan ku tuuraan askartii ilaalineysay goobtaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada booliiska ay iska caabiyeen kooxdii weerarka soo qaadday.
Hasa ahaatee labo saacadood ka dib kooxda ayaa mar kale soo laabtay iyaga oo hubeysan, waxayna weerar ku qaadeen ciidamada booliiska, islamarkaana ay gudaha u galeen goobta macdanta dahabka laga qado.
Booliiska ayaa sheegay in kooxda burcadda ah ay dhan walba ka soo weerareen goobtii ciidamada ay ku sugnaayeen, ka hor inta aynan baxsan.