Guddiga qaabilsan maareynta farmashiyada iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ee (PPB) ayaa digniin soo saaray.
Waxaa uu guddigan dadweynaha ku wargeliyay in aynan iibsan oo aynan isticmaalin daawooyinka nooca Ozempic Pens (Semaglutide) ee macaanka ee lagu iibinaya gudaha dalka.
Bayaanka guddiga PPB, waxaa ku cad in daawooyinkan ay sharci darro yihiin sidaasi awgeedna aynan ka diiwaangashanayn Kenya oo aan lagu dhex iibin karin.
Tani ayaa timid ka dib markii booliiska caalamiga ee INTERPOL uu warbixin ku sheegay in daawada Apidra Solostar pens (glulisine) oo lagula tacaalo noocyada macaanka ee Type 1 iyo Type 2 si been abuur ah loogu qoray magaca Ozempic Pens.
Guddiga ayaa xusay in uunan xaqiijin karin tayada , badqabka iyo waxtarka daawooyinkan la suuqgelinaya.
Sidoo kale , saamileyda caafimaadka ayaa looga digay in ay dadweynaha ka iibiyaan ama ay sii qaybiyaan daawooyinkan.