Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana muddo xileedkiisu ku ekaa 8-dii bishii Labaad ee sanadkan Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Qarankaasi ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay.
Waxaa uu ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda oo shalay ku beegneyd.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda dhexe uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyadoo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas, taas oo ay tusaale u tahay qiimaynta sannadlaha ah ee ay 2020-ka sameeyeen ururrada u dooda warfidiyeenka oo xaqiijiyay in dalka Soomaaliya uu sameeyey horumar dhanka xorriyadda iyo xuquuqda saxaafadda ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muhiim ah siisay horumarinta saxaafadda, iyadoo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer-ilaaliye u gaar ah saxaafadda si looga hortaggo tacaddi iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta dalka.
Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta.
Waxaa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.
MD Farmaajo ayaa xusay shaqada wanaagsan ee ay Warbaahinta Soomaaliyeed u hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu ammaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen dowladda dhiska, wacyigelinta bulshada, la dagaallanka afkaarta xagjirka iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyadda.