Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamad Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay ku Ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda.
War kasoo baxay Taliyaha ayaa waxaa lagu boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed inay si wanaagsan ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Amarkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamad Xasan Xijaar ayaa u muuqda mid la doonayo in meesha looga saaro eedeyn ku saabsan in Ciidamada dowladda loo adeegsadao Arrimo siyaasadeed iyo qabiil.
Midowga Musharrixiinta iyo inta badan Mucaaradka ayaa waxay ku eedeeyeen Madaxda Dowladda inay Ciidamada u adeegsadaan dadka kasoo horjeeda siyaasadooda sida ay hadalka u dhigeen.