Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda TIFA ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 81 ee kenyaanka ay taageersan yihiin dhallinyarada isbeddellada dalbanaya.
Daraasaadkan waxaa su’aallo lagu waydiiyay 1,507 qof maalmihii Talaadada iyo Arbacada iyadoo la adeegsanayay wareysiyo dhanka taleefoonka gacanta ah.
Shirkadda TIFA ayaa daraasaadkeeda ku ogaatay in boqolkiiba 69 ee dadka ra’yi uruurintan ka qayb qaatay aynan si toos ah ama si online ah dibadbax u sameyn.
Boqolkiiba 11 waxay sheegeen in ay waddooyin mudaaharaadyo ka sameeyeen halka boqolkiiba 5 ay dadka dibadbaxyada dhigaya u qaybiyeen cunto , biyo ,fanaanado sidoo kalena ay ka caawiyeen dhanka gaadiidka.
TIFA ayaa intaasi ku dartay in boqolkiiba 4 ee dadka u warramay ay sheegeen in ay ka qayb galeen kulamadii lagu qabanayay baraha wada sheekeysiga ee X-Space halka boqolkiiba 2 ay sheegeen in ay dibadbaxayaasha lacago siiyeen.