Dr. Johansen Oduor oo dowladda u qaabilsan baaritaannada lagu sameeyo meydadka ayaa sheegay in dadkii meydadkooda laga helay goobta qashin-qubka ee Kware oo ka tirsan xaafadda isku raranta ah ee Mkuru Kwa Njenga ee ismaamulka Nairobi aan wax toogasho ah loo gaysan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu sarkaalkan oo kaashanaya waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI-da uu soo gabagabeeyay qalliino baaritaan ah oo lagu sameeyay meydadka 9 haween ah oo halkaasi lagu arkay.
Waxaa uu cadeeyay in meydadka qaar la arkay iyagoo qaybo ka mid ah xubnaha jirka sida bishinta hoose , lowga iyo lugaha laga jaray.
Tani ayaa meesha ka saareysa tuhun ay qabeen qaar ka mid ah shacabka oo ahaa in dadka meydadkooda la helay ay yihiin kuwii ciidamada booliiska lagu eedeyay in ay toogteen intii ay dibadbaxyadu socdeen.