Boqolkiiba 67 ee kenyaanka oo taageeray go’aankii lagu jebiyay golaha wasiirrada

0
212

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee Politrack Africa ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 67 ee shacabka dalka ay taageersan yihiin tallaabadii uu madaxweyne William Ruto ku kala diray golihiisi wasiirrada.
Waxaa tallaabadaasi ka soo horjeestay boqolkiiba 32.
Sidoo kale boqolkiiba 71 ee dadweynaha ra’yi uruurintan lagu wareystay ayaa doonaya in golaha wasiirrada uu ka koobnaado ugu yaraan 15 xubnood.
Dhanka kale, boqolkiiba 51.3 ee kenyaanka ayaa muujiyay in ay ku kalsoon yihiin waxqabadka madaxweynaha waddanka iyadoo 32.8 boqolkiiba aynan ku qanacsanayn sida uu wax u wado maamulka William Ruto.
11-kii bishan Toddobaad ayay ahayd markii uu madaxweyne William Ruto jebiyay golihiisi wasiirrada isagoo sheegay in wada tashiyo badan ka dib uu soo dhisi doono xukuumad cusub.
Tallaabada uu hoggaamiyaha dalka qaaday ayaa timid ka dib dibadbaxyo waawayn oo ay qaybaha kala duwan ee dalka ay ka sameeyeen dhallinyarada oo isbeddel dalbanaya.