Wasaaradda caafimaadka oo codsanaysa 100 milyan oo shilin

0
125

Waaxda adeegyada caafimaadka ee dalka ayaa baarlamaanka ka codsatay inuu u qoondeeyo ugu yaraan 100 milyan oo shilin.
Miisaaniyaddan ayay waaxdu sheegtay in ay doonaysa inay u adeegsato sidii dadweynaha looga qayb gelin lahaa wacyigelinta ku aaddan caymiska caafimaadka ee SHIF oo la doonaya in lagu beddelo NHIF.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmo ka hor ay maxkamadda hakisay hirgelinta qorshahan kuna tilmaantay sharci darro.
Waxay maxkamaddu sheegtay in dadweynaha aan fursad loo siin in ay aragtidooda ka dhiibtaan hannaanka cusub ee caymiska bulshada oo lagu waday inuu dhaqangalo 1-da bisha Tobnaad ee sanadkan.
Codsiga maaliyadeed waxaa guddiga arrimaha caafimaadka ee baarlamaanka u bandhigay xoghayaha waaxda adeegyada caafimaadka ee dalka Dr. Harry Kimtai .