Madaxa fulinta ee guddiga adeegga barayaasha ee TSC ,Nancy Macharia ayaa sheegtay in ay haysato caqabad dhanka miisaaniyadda ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay adkaatay in si joogto ah loo shaqaaleysiiyo 46,000 oo ah ardayda soo bartay macallinnimada ee maray tijaabada shaqo kuwaasi oo wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee (JSS).
Sidoo kale , tani ayaa saameynaysa in dowladda dhexe ay ka dhabeyso ballanqaadkii ahaa howlgelinta 20,000 oo macallimiin cusub ah.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa horay u sheegtay in macallimiintan la shaqaaleysiin doono bishan Toddobaad balse sida ay madaxa TSC tilmaantay , qorshahaasi ayaa dib u sii dhici karo ilaa bisha Koowaad ee sanadka dambe.
Nancy Macharia ayaa sheegtay in wasaaradda maaliyadda ee dalka ay ku amartay in ay adeegsadaan boqolkiiba 15 ee miisaaniyadooda tani oo keliya kaafin karta arrimaha mushaaraadka.
Waxay carrabka ku adkeysay in ay wasaaradda maaliyadda u qoreen warqad ku saabsan in miisaaniyadda laga dhimay ay saameyn ku yeelatay.