Dacwad ka dhan ah xil ka qaadistii xeer ilaaliyaha dalka oo maxkamadda la geeyay

0
356

Waxaa maxkamadda loo gudbiyay dacwad looga soo horjeedo tallaabadii uu madaxweynaha dalka William Ruto xilka uga qaaday xeer ilaaliyihii qaranka Justin Muturi .
Benjamin Magare oo ka mid ah 7 qof oo dacwaddan maxkamadda geeyay ayaa ku doodaya in tallaabadaasi ay ahayd sharci darro oo aan loo marin habraaca habboon.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha uunan awood u lahayn inuu xilka ka xayuubiyo xeer ilaaliyaha oo uu xafiiskiisa yahay mid madax bannaan.
Magare ayaa xiganaya qaybta 12-aad ee sharciga xeer ilaaliyaha guud oo faahfaahinaysa waxyaabaha keeni karo in mas’uulkan uu xafiiska banneeyo .
Qodobbadan waxaa ka mid ah haddii uu si wayn ugu xadgudbo dastuurka mise xeerarka kale ee waddanka , habdhaqan xumo wayn ,tabar darro jireed ama maskaxeed oo caqabad ku ah gudashada waajibaadkiisa , karti xumo dhanka shaqada ah mise inuu musallifnimo.
Shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha xuquuqul aadanaha ee dacwadda geeyay maxkamadda ayaa doonaya in la hakiyo go’aankii madaxweynaha sidoo kalena ay maxkamadda caddeyso in hoggaamiyaha dalka uu xafiiska ka saari karo xeer ilaaliyaha guud iyadoo aynan jirin sababo dastuuri ah oo uu cuskanaya.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa amray in dacwaddan lala wadaago dowladda si ay uga soo jawaabto 14 cishe gudahooda.
Maxkamadda ayaa faahfaahin dheeraad oo kiiskan ku saabsan bixin doonto 30-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan.