Trump oo soo xushay ku xigeenkiisa

0
387

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo mar kale u tartamaya hoggaanka ugu sarreeya dalkaasi ayaa ku xigeenkiisa u soo xushay senatarka gobolka Ohio JD Vance oo 39 sano jir ah.
Tallaabadan ayuu qaaday ka dib markii xisbiga Jamhuuriga uu si rasmi ah Trump ugu ansixiyay inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee ku matalaya doorashada bisha 11-aad ee sanadkan.
JD Vance ayaa horay u dhaliili jiray Donald Trump balse wuxuu ka mid noqday taageerayaashiisa.
Trump ayaa sheegay in siyaasigan uu sii wadi doono inuu u dagaallamo dastuurka Maraykanka , inuu garab istaago ciidamada oo uu sameeyo wax kasta oo uu isaga garab ku siinaya si Maraykanka uu u horumaro.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Donald Trump toogasho loogu gaystay gobolka Pennsylvania iyadoo waaxda dambi baarista ee Maraykanka ee FBI-da ay sheegtay inuu ka badbaaday iskuday dil.