Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta hay’adda Ford Foundation ee laga leeyahay Maraykanka ee ka shaqeysa daryeelka aadanaha la xiriiriyay dibadbaxyadii dhawaan waddanka ka dhacay.
Waxaa uu ku doodaya in hay’adda tabarucaadda ay maalgelisay mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda.
Dibadbaxyada oo markii hore looga soo horjeeday hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ee dhinac loo dhigay ayaa markii dambe isku beddelay kuwo lagu dalbanayay inuu xafiiska banneeyo hoggaamiyaha qaranka.
Hasa ahaate, William Ruto oo eedeyntan jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru ayaa sheegay in hay’adda Ford Foundation laga doonaya in ay isa soo bari yeesho.
Waxaa uu digniin u diray hay’ado uu sheegay in ay maalgelinayaan rabshadaha dalka ka dhaca isagoo wacad ku maray inuu shaacin doono magacyadooda.
Ruto ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay ka feejignaadaan kuwa doonaya in ay uga faa’iidaystaan danahooda gaarka ah.
Waxaa uu tilmaamay in Kenya ay tahay waddan dimuqraadi ah oo lagu maamulo nidaamka kala dambeynta.
Madaxweyne William Ruto oo hay’adda Ford Foundation ka dalbaday in ay faahfaahiso doorkii ay ku lahayd dibadbaxyada ayaa dhanka kale sheegay in aan loo dulqaadan karin urur, hay’ad ama cid kasta oo gudaha waddanka qalalaase ka wadda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in dhallinyarada kenyaanka ah aynan diyaar u ahayn in loo adeegsado waxyaabaha dib u dhaca keenaya.
Waxaa uu xusay in la billaabay baaritaano ku aaddan howlaha qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya gudaha dalka.
Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay doonayaan nabadgalyo sidaasi awgeedna tallaabo adag laga qaadi doono ururrada iyo hay’adaha hurinaya rabshadaha.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’adaha keliya daneeya carqaladeynta dimuqraadiyadda laga doonaya in ay arrintan ka waantoobaan ama ay dalka iskaga baxaan.
Hay’adda aan dowliga ahayn ee Ford Foundation ee uu maanta madaxweynaha dalka William Ruto eedeynta u jeediyay ayaa la aasaasay sanadkii 1936-dii waxayna deeqo lacageed ku taageertaa arrimaha sayniska iyo waxbarashada.
Hay’addan oo sidoo kale ka shaqeysa gargaarka baniaadannimo ayaa ka howlgasho 11 gobol oo ku yaalla qaaradaha Afrika , Aasiya sidoo kale Ameerika.
Gobolka Bariga Afrika , waxaa uu iskaashi kala dhexeeya dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania iyadoo u ololeysa garsoorka rayidka iyo badbaadinta shakhsiyaadka u doodo cadaaladda bulshada.
Waxay tan iyo sanadkii 2009-kii ku deeqday in ka badan 138 bilyan oo shilin.