DHAGEYSO:Wadayaasha takaasida online-ka ee la dalbado oo shaqo joojin sameeyay

0
271

Waxaa maanta shaqo joojin sameeyay wadayaasha baabuurta takaasida ah ee qaabka online-ka ah lagu dalbado ee shirkadaha Uber, Bolt ,Faras iyo kuwa kale.
Tani ayaa saameyn ku yeelatay adeegyada shirkadahan.
Wadayaasha takaasida ayaa ka cabanayay in lacago yar la siiyo.
Waxay sidoo kale dalbanayeen in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyagoo tabashooyinkooda u gudbiyay maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in waxyeello la gaarsiiyay baabuurta wadayaasha aan shaqo joojintan ka qayb qaadan.
Waxay ku adkeysanayaan in aynan shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa iyo inta lagala tacaalaya caqabadaha haysta.
Qaar ka mid ah darawaliinta maanta dibadbaxa dhigay ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.

Sanadkii hore ayay ahayd markii ay sidan oo kale bannaanbax u sameeyeen iyadoo wasiirkii dhawaan xilka laga qaaday ee gaadiidka Kipchumba Murkomen uu xiiligaasi u ballan qaaday in tabashooyinkooda la xallin doono.