DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay wada hadallada berri billaabanaya

0
359

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in wada hadallada ay daneeyayaasha kala duwan ka qayb galayaan ee berri billaabanaya ay yihiin kuwo door ka qaadan doono soo dhisidda xukuumadda cusub.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorshuhu uu yahay in wada xaajoodyada ay socdaan 6 cishe.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa madashan ku tilmaamay fursad muhiim ah oo uu ku soo dhisaya xukuumad ka turjumaysa midnimada dalka.
Waxaa uu kenyaanka iyo madaxda diimeed ka codsaday in ay u duceeyaan si uu ugu guulaysto horumarinta waddanka .
Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ayaa dhankiisa cadeeyay in uunan wada hadal siyaasadeed la yeelanayn madaxweynaha balse kulanka uu yahay mid dadweyne.
Mr. Odinga oo loollan ugu jiro qabashada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cadeeyay in aynan isaga dan gaar ah ugu jirin wada tashiyada billaabanaya.

Barasaabka ismaamulka Busia Dr. Paul Otuoma ayaa dhankiisa Raila Odinga ku taageeray wada xaajoodyada.

Dhanka kale ,madaxweyne William Ruto oo dhawaan kala diray golihiisi wasiirrada ayaa faahfaahin ka bixiyay isbedello uu ku sameeyay waaxda booliiska.
Waxaa uu isbeddelladan u aaneeyay in meesha laga saaro qaar ka mid ah ciidamada ammaanka oo sida uu hadalka u dhigay la shaqeynayay ganacsatada si loo carqaladeeyo dagaalka ay dowladda kula jirto maandooriyaha.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo arrimahan ka hadlay xilli uu maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galay Ndaragwa oo ka tirsan ismaamulka Nyandarua ayaa yiri.

Waxaa uu waalidiinta ka codsaday in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda oo ay waaniyaan si aan loogu duufsan isticmaalka balwadda.