Safaricom oo dib u dhigtay dayactir lagu waday in ay caawa ku sameyso hannaankeeda

0
327

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay dib u dhigtay dayactir uu qorshuhu ahaa in ay hannaankeeda ku sameyso laga billaabo 11-ka habeenimo ee caawa ilaa 4-ta aroornimo ee berri oo Isniin ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in arrintan la sameyn doono xilli kale oo aynan weli shaacin.
Safaricom ayaa isbeddelka ku yimid qorshaheedi hore u aaneysay falcelinta macaamiisha oo ay xustay in ay tixgelisay.
Waxay shirkaddu qoraalkeeda ku sheegtay in macaamiisha ay fursad u siinaysa daawashada cayaarta kama dambeyska ah ee UEFA Euro 2024 oo abaare 10-ka habeenimo ee caawa dhex mari doonto Spain iyo England iyagoo aan ka walwalin adeegyada M-pesa.