Safaricom oo caawa dayactir ku sameyn doonto hannaankeeda

0
563

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa shaacisay in caawa ay dayactir ku sameyn doonto hannaankeeda.
Howshan ayaa la sameyn doonaa laga billaabo 11-ka habeenimo ee caawa ilaa 4-ta aroornimo ee berri oo Isniin ah.
Waxay shirkaddu sheegtay in muddadan , adeegyada M-Pesa sida Paybill iyo Buy Goods and Services , M-PESA, ablikeeshinnada M-PESA App iyo mySafaricom App ay shaqeyn doonaan in kastoo aynan joogto ahaan doonin.
Hasa ahaate, dhammaan adeegyada kale ee Safaricom sida wicitaannada , intarneetka , farriimaha gaaban ee SMS-ka iyo adeegyada kale ee M-pesa ayaa si caadi ah u shaqeyn doono.