Saraakiisha adeegga duurjoogta ee KWS oo kaashanaya ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kajiado ayaa xabsiga u taxaabay 11 eedeysanayaal ah.
Booliiska ayaa hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadkan lala xiriirinaya ugaarsiga duurjoogta.
Tuhmanayaasha oo laga qabtay deegaanka Bartamaha Kajiado ayaa waxaa lagu helay 100 kiilogaraam oo hilibka duurjoogta ah.
Saraakiisha KWS iyo ciidamada ammaanka ayaa shacabka uga mahadceliyay xogta ay soo gudbiyeen ee fududeysay in eedeysanayaasha gacanta lagu soo dhigo.