DHAGEYSO:Dhammaan saraakiishii ka howlgalayay saldhigga booliiska ee Kware oo la wareejiyay

0
312

Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in dhammaan saraakiishii ka howlgalayay saldhigga booliiska ee Kware oo ka tirsan xaafadda isku raranta ah ee Mukuru kwa Njenga ee deegaanka Koonfurta Embakasi , ismaamulka Nairobi halkaasi laga wareejiyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabadan la qaaday si loo xaqiijiyo in baaritaannada lagu sameynaya meydad aaggaasi laga helay ay noqdaan kuwo dheellitiran oo cadaalad ah.
Waxaa uu sheegay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in dhammaan 8-da meyd ee laga helay qashin-qubka Kware ay yihiin haween jirkooda si wayn loo googooyay.
Douglas Kanja oo uu shirka jaraaid ku wehelinayay agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) Mr. Maxamad Ibraahim Aamiin ayaa kenyaanka u sheegay in baaritaannada ay weli socdaan oo la aqoonsaday shakhsiyaad laga shakisan yahay .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in 6 ka mid ah meydadka la helay Jimcihii iyadoo shalay labo kale la soo saaray.
Mas’uulkan ayaa shacabka Kware iyo si guud kenyaanka ka codsaday in ay dulqaad muujiyaan, aynan iska dhaadhicin waxyaabo qaldan oo ay fursad siiyaan baaritaannada socdo.
Agaasimaha DCI-da ayaa dhankiisa sheegay in dadka meydadkooda la healy ay da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 30 sano.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay u muuqato in dadkaasi isku si loo dilay ka dibna meydadka lagu riday jawaanno.
Madaxa laanta dambi baarista ee waddanka ayaa sidoo kale xusay in ay jiri karaan arrimo badan oo ay salka ku hayaan dilalkan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay koox diimeed oo gaysata falal dambiyeedyo , shakhsiyaad caadeystay dilalka ama saraakiil caafimaad oo la shaqeeya dambiilayaal.
Hasa ahaate, waxaa uu cadeeyay in waxyaabahan ay keliya yihiin qiimeyn guud balse xaqiiqada la ogaan doono marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.
Agaasimaha DCI-da ayaa laga soo xigtay in ciidamada booliiska ay caqabado kala kulmeen goobtii meydadka lagu arkay maadaama ay halkaasi ku sugnaayeen shacab careysan.
Waxaa uu dadweynaha u sheegay in looga baahan yahay in ay laamaha ammaanka garab ku siiyaan arrinkan isagoo xusay in boqolkiiba 70 ee guusha baaritaannada ay ku xiran tahay sida loo qiimeeyo meesha meydadka laga helay.
Booliiska ayaa sidoo kale wareystay qoyska Josephine Owino oo la waayay labo toddobaad ka hor balse ay sheegeen in walaasheed oo riyootay ka dib meydadka la arkay.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Elgeyo Marakwet uu laamaha ammaanka ku amray in ay ka sal gaaraan sida ay wax u dhaceen si tallaabo sharciyeed looga qaado cid kasta oo ka dambeysay meydadka laga helay Kware.

Dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galay ismaamulka Nyandarua hoosta ka xarriiqay inuu soo dhisi doono xukuumad ka turjumaysa midnimada qaranka.
Ruto ayaa xusay in uunan marnaba oggolaan doonin rabshadaha isugu jiro waxyeelleynta shacabka iyo burburinta hantidooda .