WHO oo sheegtay in dad badan la la’yahay ka dib weerar ay Israa’iil gaysatay

0
259

Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo aan weli meel lagu ogeyn oo la filaya in ay ku hoos xanniban yihiin burburka ka dhashay duqeyn ay Israa’iil gaysatay.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada Israa’iil ay bartilmaameedsadeen xerada qaxootiga ee al-Mawasi oo ku taalla Koonfurta Qaza.
Ugu yaraan 90 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa halkaasi lagu dilay iyadoo la dhaawacay in ka badan 300 oo kale.
Dhanka kale , Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in aynan caddeyn in weerarkaasi lagu dilay taliye sare oo ururka Xamaas u qaabilsan dhanka difaaca Maxamad Deif oo uu sheegay inuu bartilmaameedsiga ahaa.
Waxaa duqeymahan si kulul u cambaareeyay Qaramada Midoobay iyo dalalka Bariga Dhexe.
Weerarkan ayaa yimid iyadoo mid kale laga fuliyay masjid ku yaalla xerada qaxootiga ee Shati ee Waqooyiga Qaza halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 20 qof.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 38,443 qof iyadoo la dhaawacay 88,481 kale.