Ka dib markii uu shalay madaxweynaha dalka William Ruto kala diray golihiisi wasiirrada ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya ee ku aaddan inuu isbeddelo dheeraad ah sameeyo.
Eric Omondi oo ka mid ah majaajilayaasha dalka ayaa madaxweynaha ku boorriyay inuu ku dadaalo sidii tirada barasaabyada dowlad deegaannada oo hadda ah 47 looga dhigi lahaa 24.
Xilli uu u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Omondi hoosta ka xarriiqay in tani ay yareyn doonto qarashaadka ku baxa howlaha dowladda oo ay mushaaraadka ka mid yihiin.