Waxaa xabsiga loo taxaabay ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka Kabianga oo ka tirsan ismaamulka Kericho.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeeyay inuu faraxumeeyay gabadh afar sano jir ah.
Warbixinta booliiska ayaa waxaa ku cad in Douglas Koech Kipkemoi oo 42 sano jir ah uu tacaddigan ka gaystay degmada Londiani.
Faraxumeyntan ayuu ku kacay Arbacadii oo ay taariikhda ku beegnayd 10-kii bishan Toddobaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka dib markii ay dhacdadan ka caroodeen shacabka uu mas’uulkan eedeysan isku dhiibay laamaha ammaanka oo xiray.
Gabadha la faraxumeeyay ayaa lagu daryeelaya isbitaalka degmada Londiani iyadoo lagu wado in eedeysanaha la soo taago maxkamadda Molo.