Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 10 qof halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil ka dhacay aagga xarunta ganacsiga ee Katumba ee degmada Bangal ee ismaamulka Tana River.
Shilkan ayaa la soo tabiyay abaare 1:30 habeenimo ee xalay.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in baska shilka galay oo ka yimid Garissa kuna soo wajahnaa Nairobi ay leedahay shirkadda basaska ee Al-Mukaram ee ay baabuurteeda u kala gooshaan caasimadda dalka iyo dowlad deegaanka Mandera.
Waxaa dadka shilka ku geeriyooday ka mid ah darawalkii baska kaxeynayay Xasan Bura.
Waxaa uu baska siday rakaab gaaraya ilaa 50 qof waxayna isku dhaceen baabuur xamuul.