COTU oo soo dhaweysay golaha wasiirrada ee la kala diray

0
313

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa bayaan uu soo saaray ku soo dhaweeyay tallaabadii uu shalay galab madaxweynaha waddanka William Ruto ku kala diray golihiisi wasiirrada.
Waxaa uu xusay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xallin karo tabashooyinka kenyaanka.
Go’aanka madaxweynaha ayuu ku tilmaamay mid geesinnimo laga dheehan karo.
Francis Atwoli ayaa sheegay in keliya aan loo baahnayn wasiirro difaacaya siyaasadda dowladda balse sidoo kale ay ka go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha shacabka.
Waxaa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay in golaha wasiirrada ay xubno ka noqdaan shakhsiyaad aqoon iyo waaya aragnimo u leh xilalka loo dhiibaya.