552 oo ka mid ah ardayda bartay caafimaadka oo la howlgelinaya

0
341

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa shaacisay in si degdeg ah loo howlgelin doono ugu yaraan 552 oo ah ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqada.
Waxay sheegtay in qorshaha arrinkan ku aaddan uu heer gabogabo ah maraya.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo saraakiishan ay dhawaan xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ee dalka ee Afya House ee magaalada Nairobi ay ka dhigeen bannaanbax ay ku dalbanayaan in la howlgeliyo.