Ugu yaraan 9 qof oo lagu dilay Qaza

0
322

Ugu yaraan 9 ruux ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay xerada qaxootiga ee Bureij ee Qaza.
Waxaa dadkan ka mid ah shan carruur ah oo waddada ku cayaarayay.
Dhanka kale , madaxa ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh ayaa ka digay cawaaqib aad u xun oo saameyn karta wada hadallada nabadeed haddii ay Israa’iil sii wado xasuuqa shacabka iyo barakicinta ee gudaha Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 38,243 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 88,243 kale.