Madaxweynaha oo shaaciyay shir dhinacyo badan ah oo soconaya 6 cishe

0
401

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta ku dhawaaqay shir ay saamileey kala duwan ka qayb galaysa oo socon doono muddo 6 cishe ah.
Kulanka ayaa billaaban doono Isniinta soo socoto.
Arrintan ayuu sheegay ka dib wada tashi uu la sameeyay hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya oo uu hor kacayay Raila Odinga.
Madaxweynaha ayaa xusay in madashan diiradda lagu saari doono sida looga gudbaya xaaladda ka taagan dalka.
Mr. Odinga ayaa dhammaan daneeyayaasha ka codsaday in ay shirkan la yimaadaan maskax furan wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada aan dhinac loo riixi karin.