Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in maamulka talada dalka haya ee Kenya Kwanza laga doonaya inuu mudnaan siiyo wada hadallada marka lala tacaalaya arrimaha qaran ee taagan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dibadbaxyadii ay dhawaan sameeyeen dhallinyarada ee looga soo horjeeday dowladda.
Raila Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in wada tashiyo dheer oo ay yeesheen ka dib ay ku heshiiyeen in sida looga gudbi karo dhibaatooyinka dalka ka jira ay tahay wada hadal.
Mr. Odinga ayaa intaasi ku daray in ay isku afgarteen in dadka la siiyo fursad lagu dhageysto.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa kenyaanka ku boorriyay in aynan ka daalin soo bandhigidda tabashooyinkooda si xal waara loogu helo caqabadaha.
Waxaa uu ku taliyay in wada hadallada ay dowladdu la yeelanaysa dhallinyarada ay noqdaan kuwo laga wada qayb qaato si loo xalliyo arrimaha aasaasiga ah ee Kenya ay wajahaysa.
Mr. Odinga ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin aqlabiyadda bulshada sidaasi awgeedna ay u qalmaan in la dhageysto.