Madaxweynaha dalka oo saxiixay isbeddel lagu sameeyay xeerarka IEBC

0
382

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ku saxiixay hindise sharciyeedka isbeddellada lagu sameeyay xeerarka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa hindisahan meel mariyay ka dib markii ay tixgeliyeen talooyinkii ku xusnaa warbixintii guddiga qaran ee wada hadallada siyaasadeed ee NADCO.
Waxaa madasha uu madaxweynaha xeerkan ku saxiixay ku wehelinayay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah, madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi, guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula, dhigiisa aqalka sare Amason Kingi, xeer ilaaliyaha guud Justin Muturi , madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi , madaxa xisbiga ODM Raila Odinga , dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka iyo mas’uuliyiin kale.
Xeerkan ayaa isbeddello dhowr ah ku sameynaya hannaanka maareynta doorashooyinka waddanka si loo xoojiyo daahfurnaanta , waxtarka iyo isla xisaabtanka ku aaddan geeddisocodyada guddiga IEBC.
Sidoo kale waxaa uu meesha ka saaraya in guddoomiye ku xigeenka IEBC uu si ku meel gaar ah u sii hayn karo xilka guddoomiyaha guddiga haddii uu bannaanaado.
Si loo hubiyo hufnaanta doorashooyinka, waxaa uu hindisahan qasab ka dhigaya in dib loo eego maareynta doorashada guud.
Guddiga IEBC ayaa looga baahan doonaa inuu warbixin faahfaahsan soo bandhigo 18 bilood ka dib doorashada si warbixintan loogu gudbiyo baarlamaanka.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in la wanaajiyo geeddisocodyada doorashada.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in tallaabada uu maanta qaaday ay horseedaysa in la soo dhiso guddiga shaqaaleysiinaya saraakiisha sare ee guddiga IEBC.
Hoggaamiyaha dalka ayaa baarlamaanka ugu baaqay inuu dardargeliyo talooyinkii kale ee qaybta ka ahaa warbixinta NADCO oo uu diyaariyo hindise sharciyeedyada la xiriira.
Xeerkan ayaa sidoo kale ballaarinaya waxyaabaha laga doonaya saraakiisha sare ee ku biiraya guddiga doorashooyinka oo ay ka mid tahay in la howlgeliyo sarkaal sare oo ku takhasusay xisaabaadka iyo tiknolojiyadda warfaafinta.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa ka kooban 7 saraakiil sare ah oo uu ka mid yahay madaxa fulinta ee guddiga ahna xoghayaha guddiga .
Waxaa saraakiishan soo magacaaba madaxweynaha dalka iyadoo uu baarlamaanka ansixiyo magacaabidooda .
Xubin kasta oo ka mid ah saraakiisha sare ee IEBC ayaa shaqeeya muddo 6 sano ah.
Guddiga doorashooyinka dalka ee IEBC ayaan hadda lahayn saraakiil sare oo ku filan ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkii guddoomiyihii guddigan Wafula Chebukati iyo saraakiishiis are ee kala ahaa Pro. Cabdi Yaaquub Guuliye iyo Bola Molu ka dib doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii.
Sidoo kale xaaladdii cakirnayd ee 15-kii bishii Siddeedaad ee sanadkaasi ka jirtay xarunta Bomas ka dib markii ay shaqaalaha sare ee IEBC ku kala qaybsameen natiijada ayaa sababtay in ay is casilaan afar saraakiil sare oo ay ka mid ahayd guddoomiye ku xigeenkii IEBC Juliana Cherera.