Ra’iisul Wasaaraha India oo gaaray Ruushka

0
140

Waxaa caasimadda dalka Ruushka ee Moscow safar ku tagay Ra’iisul Wasaaraha waddanka India Narendra Modi.
Waxaa uu halkaasi ku joogi doonaa safar rasmi oo labo cishe ah.
Socdaalka Modi ee Moscow ayaa ah midkii ugu horreeyay ee uu waddankaasi ku tagay tan iyo xilligii uu Ruushka duullaan militari ku qaaday Ukraine.
Modi iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa caawa ku kulmaya casho sharaf ka hor inta aynan berri wada hadallo labo geesood ah yeelan.
Wuxuu sheegay inuu rajeynaya in ay ka wada arrinsadaan xaqiijinta amniga gobolka.