Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa dhinac iskaga dhigay iskuday uu xildhibaanka deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo ku doonayay in la buriyo tallaabadii uu golaha qaran ee xeer dejinta ku meel mariyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaan hindisahan saxiixin oo dib ugu celiyay baarlamaanka ka dib markii ay kenyaanka oo dibadbaxyo sameeyay ay si wayn uga soo horjeesteen.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaannada tabashooyinka ka qabo qorshahan ku wargeliyay in ay soo gudbiyaan waxyaabaha ay dhaliilsan yihiin.
Wetangula ayaa sheegay in keliya xeer baarlamaan la burin karo sidaasi awgeedna iskudayga Otiende uu yahay mid aan waafaqsanayn nidaamyada golaha.
Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa ku howlan sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa hindise sharciyeedka maaliyadda sida uu madaxweyne William Ruto ku taliyay .
Waxaa la filayaa in xubnaha guddigan ay warbixintooda baarlamaanka la wadaagaan 23-ka bishan marka ay xildhibaannada ka soo laabtaan fasaxa ay ku maqan yihiin.
Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa intaasi ka dib muddo 21 cishe gudaheeda ah ku eegi doono oo ku tallaabadi qaadi doono warbixinta.
Home Wararka Kenya Wetangula oo diiday in la buriyo hindise sharciyeedka maaliyadda ee ay ansixiyeen