Dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada oo shaqooyinkooda ku laabanaya

0
137

Waxaa maanta xarumihii caafimaadka ee ay ka howlgalayeen dib ugu laabanaya xubnaha ururka dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee KUCO.
Tani ayaa timid ka dib markii uu ururkan soo afjaray shaqo joojin ay xubnihiisa ku guda jireen muddo 99 cishe ah.
Xoghayaha Guud ee ururka KUCO George Gibore ayaa laga soo xigtay in ay shaqo joojinta soo afjareen ka dib markii heshiis ay dib ugu laabanayaan isbitaallada ay la saxiixdeen golaha barasaabyada ismaamullada waddanka ee CoG.
Waxaa uu dhammaan xubnaha ururkan faray in ay shaqooyinkooda dib ugu laabtaan muddo 24 saacadood gudaheeda ah.
Waxaa uu is-afgaradka labada dhinac dhigaya in dowlad deegaannada ay billaabi doonaan wada xaajood gorgortan ku saleysan oo lagu soo gabagabeyn doono 60 cishe.
Sidoo kale, ismaamullada ayaa muddo bil ah gudaheeda billaabi doono geeddisocodka dallacsiinta iyo dib u howlgelinta dhakhaatiirta.
Dowladaha ismaamullada ayaa sidoo kale oggolaaday in 1-da bisha Sagaalaad ee sanadkan dhakhaatiirtan la siiyo gunnooyinka halista shaqo iyo caymis caafimaad.
25-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay soo billaabatay shaqo joojinta dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee KUCO ee la soo afjaray.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha caafimaadka ee golaha barasaabyada ee CoG ahna guddoomiyaha ismaamulka Tharaka Nithi Muthomi Njuki ayaa xaqiijiyay in aan la bartilmaameedsan doonin sarkaal caafimaad oo shaqo joojinta ka qayb qaatay.