Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu hakinaya inuu shaqadiisa billaabo guddi uu dhawaan madaxweynaha waddanka William Ruto u saaray inuu baaritaano dhanka hanti dhowrka ah ku sameeyo deymaha dalka lagu leeyahay iyo sida amaahdan loo isticmaalay.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in hakintan ay sii jiraysa ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo laga go’aaminaya dacwad la gudbiyay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dacwaddan ay maxkamadda mar kale soo qaaddo 23-ka bishan Toddobaad.
5-tii bishan ayay ahayd markii madaxweyne William Ruto uu
Nancy Onyango u magacaabay in ay guddigan hoggaamiso.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in xubnaha guddigan laga doonaya in ay baaritaano ku sameeyaan akoonnada dowladda sare , ismaamullada , xafiisyada dastuuriga ah ee madaxa bannaan , guddiyada , baarlamaanka , aqalka sare , goleyaasha ismaamullada iyo xisbiyada siyaasadeed ee lagu maalgeliyo lacagaha dadweynaha.
Waxaa guddigan xubin ka ahayd madaxa ururka qareennada dalka ee (LSK) Faith Odhiambo oo diiday in ay ka qayb qaadato howsha loo igdamay oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.