Waayeel sheegay inuu lahaa bastooladdii lagu dilay Tom Mboya xilli DCI-da ay baaritaano guda gashay

0
452

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ay baaritaan ku hayso iibinta qoriga la sheegay in lagu dilay wasiir hore oo ka tirsanaa dowladdii ugu horreysay ee Kenya, oo lagu magacaabi jiray Tom Mboya oo la dilay sanadkii 1969-kii
Bayaan ay waaxda DCI-da soo saartay ayay ku sheegtay in qoriga lagu dilay Tom Mboya laga iibiyay waayeel haatan da’diisu tahay 92 sano jir.
Waxay tilmaantay in tallaabo la qaadi doono marka ay soo dhammaadaan baaritaanada.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalin ka hor nin waayeel ah oo wareysi bixiyay ku caddeeyay in laga iibiyay bastooladdii lagu dilay Tom Mboya.
Ninkan oo u warramay wargeyska maxalliga ee Nation ayaa sheegay in dad awood badan oo dowladda ka tirsanaa ay siiyeen lacag uu ku iibsado saddex bastoolad.
Tom Mboya ayaa ahaa ganacsade, bare, nin ay Afrikaanimada ku wayneed, qoraa iyo wasiir hore.
Tom Mboya ayaa soo noqday wasiirkii qorsheynta dhaqaalaha iyo horumarinta qaranka, isagoona xilligaasi ka mid ahaa golihii wasiirrada ee madax banaanida Kenya ee uu hoggaaminayay madaxweynihii geeriyooday ee Jomo Kenyatta.
Mboya ayaa la toogtay mar uu ka soo baxayay farmashiye ku yaalla bartamaha caasimadda ee Nairobi ee sanadkii 1969-kii.