Joe Biden oo lagu cadaadinaya in uunan mar kale tartamin

0
379

Waxaa sii kordhaya cadaadiska ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden saarayaan xubnaha xisbigiisa Dimuqraadiga ee ay ku doonayaan inuu iskaga haro loollanka ku aaddan xilka madaxtinnimo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in ay Maraykanka doorasho ka qabsoonto bisha 11-aad ee sanadkan.
Shakhsiyaadka dalbanaya in Biden uunan mar kale u tartamin hoggaanka ugu sarreeya ee Maraykanka waxaa ka mid ah wakiilka gobolka Texas Lloyd Doggett.
Cadaadiskan ayaa xoogeystay ka dib markii Joe Biden la arkay isagoo aan si toos ah isugu xirin hadalkiisa iyo hab-fikirkiisa xilli uu maalmo ka hor dood kala qayb galay madaxweynihii ka horreeyay Donald Trump .
Lloyd Doggett iyo siyaasiyiinta kale ayaa doonaya in Biden oo 81 sano jir ah uu cadeeyo inuu jir ahaan iyo maskax ahaanba fiyow yahay ka hor inta uunan tartamin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here