Bobi Wine oo ahaa musharrax looga adkaaday doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday dalka Uganda ayaa sheegay inuu isku diyaarinayo inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad uu kaga soo horjeedo natiijada lagu dhawaaqay.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga doorashooyinka ee wadankaas uu shaaciyay in Yoweri Museveni oo talada hayay 35 sano markii lixaad la doortay.
Bobi Wine ayaa sidoo kale cambaareeyay xabsi guri uu ku jiro, tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in labo qof ay ku dhinteen dibadbaxyo ka dhashay natiijada la shaaciyay.