Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta oo Kenyaanka u jeedinayay khudbadda maalinta shaqaalaha adduunka oo maanta ku beegan ayaa shaaciyay in 5-tii ismaamul ee saarnaa xayiraadaha isku socodka laga qaaday.
Waxaa uuna sido kale sheegay in guud ahaan dalka uu bandowga sidiisa hore yahay.
Waxaa uuna bilaabanaya 10-ka Habeenimo isagoona ku eg 4-ta arroornimo.
Sidoo kale waxaa dib loo furay goobaha cibaadada ee ismaamulladan iyadoo saddex meelood hal meel keliya la oggolyahay inay goobahaan ku cibaadeystaan
Ismaamullada ay xayiraadaha saarnaayeen ayaa kala ahaa Nairobi, Kiambu, Kajiado, Machakos iyo Nakuru.
Dowlad deegannadan ayaa loo aqoonsaday inuu aad u kordhay cudurka COVID 19.
Mr Kenyatta ayaa sheegay in boqolkiba 72 ay hadda xaaladda fayraska ee ismaamulladan ay hoos u dhaceen.
Mr Kenyaatta ayaa dhanka kale sheegay in dugsiyada dalka wakhtigii la qorsheeyay dib la furayo.
Wasaaradda waxbarashada dalka ayaa horaan u sheegtay in iskuullada dib loo furi doono 10 bishaan ee May.
Dhanka kale goobaha lagu caweeyo sida baararka ayaa ugu dambeyn la xirayaa 7-da fiidnimo.
Madaxweynaha dalka ayaa ka dhawaajiyay in goobaha laga cunteeyo sida maqaayadaha ay sidoodii hore u soo laabanayaan balse ay raacaan awaamirta lagu xakameynaya fayraska iyo in ka xaqiijiyo kala fogaanshaha bulshada ee goobahan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in isbitallada maalinkiiba uu hal qof bukaanka ku booqan karo.
Dhinaca kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in shaqaale badan uu saameeyay cudurka Covid-19
Waxaa uuna timaamay in dhaqaalaha dalka uu hoos u dhac ku yimid tan iyo markii uu Kenya laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee safmarka COVID 19