Goobaha cibaadada sida masaajidda ee 5 ismaamul oo dib loo furay

0
663

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo khudbad ku saabsan maalinta shaqaalaha adduunka maanta jeediyay ayaa sheegay in dib loo furayo goobaha cibaadada ee 5 ismaamul oo muddo ka badan hal bil albaabada isugu laabnaa.
Goobaha cibaadada sida masaajidda ee xirnaa ee ismaamulladan ayaa maanta dib loo furay, balse waxaa ku cibaadeysan kara saddex meelood hal meel.
Waxaana la raacaya tilmaamaha wasaaradda caafimaadka.
ismaamulladan ayaa kala ahaa Nairobi, Kiambu, Machakos, Kajiado iyo Nakuru.