DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo baaq u diray hal-abuurrada

0
313

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa hal-abuurrada ku boorriyay in ay sameeyaan barnaamijyo xoojinaya dhaqamada wanaagsan iyo qiyamka jiilalka kala duwan ee bulshada gaar ahaan carruurta.
Waxaa uu ka codsaday in ay ka fogaadaan isticmaalka maandooriyaha oo ayna dadweynaha ka wacyigeliyaan saameynta ay arrintan leedahay.
Gachagua ayaa sidoo kale dadka hibada u leh wax curinta kula taliyay in ay is caawiyaan oo aynan isku arkin cadow.
Waxaa uu qof kasta oo nolosha heer sare ka gaaray uu ugu baaqay in uunan hilmaamin cidii soo gacan qabatay.

Baaqan ayuu jeediyay xilli uu ka qayb galay xaflad ay heesaaga iyo soo saaraha aflaanta ee Kevin Bahati iyo xaaskiisa Diana Bahati ku soo bandhigayeen barnaamij cusub oo laga daawan doono Netflix.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here