Xamaas oo la rajeynaya inay ka jawaabto heshiis loo bandhigay

0
236

Dhexdhexaadiyaasha matalaya dowladaha Qatar iyo Masar ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ururka Xamaas ee wadanka Falastiin uu jawaab ka bixiyo soo jeedin la doonaya in lagu soo afjaro duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo labada dhinac lagu cadaadinaya in ay oggolaadaan xabbad joojin.
Dhanka kale , ugu yaraan 33 qof ayaa lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday dugsi ay maamusho qaramada midoobay kaasi oo hooy u ah barakacayaasha Bartamaha Qaza.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegaya in qaar ka mid ah dagaalyahaannada Xamaas ay halkaasi hooy ka dhiganayeen.