Mas’uuliyiinta hay’adda HAKI Africa oo ka mid ah hay’adaha u dooda xuquuqul aadanaha ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqay in uu berri oo loo dabaal degaya maalinka shaqaalaha uu ka hadlo sida uu maamulkiisa u garab istaagaya dadka lumiyay shaqooyinkii ay hayeen.
Waxay soo jeediyeen in marka uu madaxweynaha jeedinaya khudbadiisa uu dhinac isaga dhigo siyaasadda la xiriirta BBI.
Sidoo kale waxay sheegeen in aynan wax micno ah lahayn in iyada oo kenyaan badan ay shaqo la’aan wajahayaan oo ayna dareemayaan culeys nololeed oo ka dhashay cudurka COVID19 loo dabaal dego maalinka shaqaalaha.
HAKI Africa ayaa ku talisay in lacago lagu taageero cid kasta oo horay u shaqeyn jirtay balse tan iyo intii uu cudurka soo gaaray dalka sanadkii hore ay shaqo la’aan ku dhacday.
Hay’addan ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqday in uu xoogga saaro xeerarka shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay qabanaya marka la eego xuquuqda howlwadeenada u shaqeeya
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo laga codsaday in ay lacago siiso dadka shaqooyinkoodi lumiyay