Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha haweenka ah oo taageero u muujiyay Martha Koome

0
491

Tallaabadii guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC uu turxaan bixin ka dib garsoore Martha Karambu Koome u soo xushay in ay noqoto madaxa cadaaladda wadanka ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid haweenka haya xilalka sare ee dowladda.
Wasiiradda cayaaraha , hidaha iyo dhaqanka ee Kenya Amina Maxamad ayaa sheegtay in garsoore Koome ay horay si ka duwan dadka kale u gudanaysay waajibaadkeeda shaqo .
Waxay xustay in ay ku faraxsan yihiin in xaakinka ay mar kale jamhuuriyadda Kenya ugu adeegto xilka madaxa cadaaladda.
Wasiiradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda Prof. Margaret Kobia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in Martha Koome qaab aan cadaalad ahayn looga soo xushay 9-kii qof ee kale ee la turxaan bixiyay.
Waxay carrabka ku dhufatay in xulashada ay isku raaceen xubnaha guddiga JSC ay muujinayso kalsooni la xiriirta xirfadda , aqoonta , kartida iyo khibradda dhanka sharciga ee garsooraha.
Prof. Kobia , wasiiradda adeegga bulshada ayaa tusaale u soo qaatay 33 sano oo ah khibrad dhinaca sharciga oo ay leedahay xaakinka taasoo ay ku tilmaantay mid keentay in laga aqoonsado gudaha dalka iyo caalamka.
Farida Karoney oo ah wasiiradda dhulalka ayaa tiri xilalka hoggaanka ee aan hayno waxaa sabab u ah in aan dalka u dhalanay sidoo kalena aan karti shaqo leenahay.
Haweenkan oo ay sidoo kale ka mid yihiin xoghayayaasha maamulka sare ee wasaaradaha ayaa ayaa sheegay in garsoore Koome ay u qalanto in ay noqoto madaxa cadaaladda 15-aad ee dalka.
Marka laga soo tago arrimaha sharciga waxay haweenka tilmaameen in garsoore Martha Karambu Koome ay magac ku heshay difaacidda xuquuql aadanaha.
Mas’uuliyiintan ayaa ka hadlay munaasabad ay ka soo qayb galeen hoggaamiyaasha haweenka ah ee dalka taasoo lagu qiimeynayay horumarka laga gaaray siinaanta jinsiyadeed iyo awood-siinta dumarka.
Waxay ugu dambeyn golaha qaran ee xeer dejinta ka codsadeen inuu dardargeliyo ansaxinta magaca Martha Koome si ay ula wareegto xilkii uu bishii koowaad ee sanadkan howlgabka ka noqday David Maraga.