Wasiirka caafimaadka oo baaq u diray baarlamaanka

0
542

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa xildhibaanka baarlamaanka ka codsaday in ay ansaxiyaan hindise sharciyeed la xiriira maaliyadda.
Hindisahan ayaa soo jeedinaya in meesha laga saaro canshuurta la xiriirta soo iibsashada agabka caafimaadka.
Wasiir Kagwe ayaa carrabka ku dhuftay in meel marinta soo jeedintan ay niyad dhis u noqonayso waaxyaha gaarka ah si ay uga faa’iidaystaan mashruucyada wax soo saarka ee maxalliga ah.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayuu sheegay in wasaaradda caafimaadka ee dalka ay baarlamaanka kala shaqeynayso in dib u eegis lagu sameeyo xeerar dhowr oo dhanka caafimaadka ah.