WHO oo sheegtay in sare u kaca cudurka COVID19 uunan ku koobnayn India

0
459

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in sare u kaca dhanka xaaladaha cudurka COVID19 ee ka jiro wadanka India uunan ahayn mid dalkaasi keliya ku kooban balse saameyn karo waddamada kale ee dunida.
Waxay WHO dalalka kale uga digtay in ay fududeeyaan xayiraadaha lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Khuburrada caafimaadka ayaa kiisaska corona ee ku sii badanaya dalka India u aaneeyay isku soo bax dadweyne oo aan la maareyn.