DHAGEYSO:Dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada oo ku baaqay wada hadallo kala dhexeeya dowladda

0
233

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee (KUCO) ayaa dowladda dhexe iyo ismaamullada ugu baaqay in ay la yeeshaan wada xaajoodyo lagu soo afjaraya shaqo joojinta ay ku guda jiraan maalinkii 59-aad.
Waxay dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka ay qaataan sida ku xusan barnaamijka caafimaadka guud ee UHC,lacagaha gunnooyinka ee la xiriira khatarrada shaqo iyo in saraakiil ku shaqeeya qaab qandaraas ah loo howlgeliyo si joogto ah.
Xoghayaha Guud ee ururka dhakhaatiirtan ,George Gibore ayaa dowladda sare iyo ismaamullada ku eedeyay in ay ka caga jiidayaan xallinta tabashooyinkooda.